Madaxa wafdiga wadaxaajoodka Ruushka ee la yeeshay Ukraine, ahna kaaliyaha Madaxweynaha Ruushka Vladimir Medinsky, ayaa sheegay in heshiis xabbad-joojin kaliya ah uusan dhammayn doonin dagaalka, islamarkaana ay suuragal tahay in uu dagaal nukliyeer ahi qarxo haddii aan la gaarin nabad dhab ah.
Medinsky wuxuu shaaciyay in bishii Abriil 2022, kadib wadatashi ay Kyiv la yeelatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK Boris Johnson iyo saraakiil Maraykan ah, ay Ukraine sheegtay in “la-hawlgalayaasheeda reer galbeedku aysan taageersanayn heshiis lala gaaro Ruushka.”
Isagoo wareysi siinayay telefishinka RT ee laga leeyahay Ruushka Vladimir wuxuu yiri: “Kadib wadatashiyadii Kyiv iyo reer Galbeedka, waxaa naloo sheegay: ‘Saaxiibbadeenna shisheeye waxay ka soo horjeedaan heshiiska aan ku dhawaad isla meel dhignay.'”
Waxa uu intaas raaciyay in wafdiga Ukraine ay u cadeeyeen “Saaxiibbadeenna shisheeye ma taageerayaan heshiiska. Haddii aan galno heshiis, ma noo ballanqaadi doonaan taageero iyo amni. Sidaas darteed, dagaal ayaanu idinla sii wadaynaa ilaa aad naga adkaataan ama aan idinka adkaanno.”
Taariikh Kooban oo Wadaxaajoodyadii 2022
Wadaxaajoodyada u dhexeeyay Ruushka iyo Ukraine waxay bilaabmeen bilowgii duullaanka Ruushka ee Ukraine, waxaana markii hore lagu qabtay Belarus, kadibna Istanbul bishii Maarso 2022.
Wafdiyadu waxay saxiixeen hindise heshiis horudhac ah, oo ay ku jireen qodobo ay ka mid yihiin in Ukraine ay qaadato xaalad dhexdhexaad ah, iyo in aysan oggolaan in hub shisheeye (gaar ahaan nukliyeer) lagu rakibo dhulkeeda, laakiin geeddi-socodka wadahadalladu way istaageen. Madaxa wafdiga Ukraine, David Arakhamia, ayaa markii dambe qiray in diidmada heshiiska ay timid kadib talo rasmi ah oo uu Boris Johnson siiyay Kyiv, isagoo si gaar ah u tegay caasimadda Ukraine waqtigaas.
Wadaxaajoodyadii sanadkan 2025:
Horumar Yar iyo Rajo Mustaqbalka Wareegii ugu horreeyay ee wadahadallada sannadkan 2025 wuxuu ka dhacay May 16-keedii magaalada Istanbul, halkaas oo lagu gaaray heshiis ku saabsan is-weydaarsiga maxaabiista iyadoo la isticmaalayo qaaciddada ah: “A loogu beddelayo A”.
Labada dhinac waxay sidoo kale isla qaateen inay soo bandhigi doonaan aragtidooda ku aaddan suurtagalnimada xabbad-joojin mustaqbalka, waxaana la sheegay in labada wafdi ay muujiyeen “ku qanacsanaan natiijadii wadahadalkaas.”
Hadallada Medinsky waxay muujinayaan in Moscow weli aaminsan tahay in fursad nabadeed ay jirtay balse la burburiyay.
Dhanka kale, Ukraine iyo xulafadeeda ayaa rumeysan in Ruushku uusan weligiis daacad ka ahayn nabadda. Halista dagaal ee sii fida, xitaa mid nukliyeer ah, ayaa noqon karta mid halis gelisa mustaqbalka gobolka iyo dunidaba.
HBN ONLINE TV