Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo Sir culus u diray dowladda oo ku aaddan shirka looga hadlayo xiisada damaca Itoobiya

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa fariin u diray dowladda Soomaaliya, taasoo ku aaddan shirka dhawaan ka furmay dalka Uganda ee looga hadlayo khilaafka iyo xiisada ka dhex alloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, shirkaan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Jabuuti.

Cumar Cabdirashiid  ayaa ugu baaqay  dowladda Soomaaliya in aan lagu maaweelin shirka Madaxda IGAD ee ka dhacaya Kampala hadallada ama erayada ay ka mid yihiin dhex dhexaadinta is afgaradka iyo is dhex galka gobolka, haddii aysan dhammaan waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD,aysan si aan leex leexad laheyn u taageerin mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan madax-bannaanideeda dhuleed.

Waxaa uu sababeeyay adeegsiga erayadaasi oo ah ” is-afgarad iyo is dhex galka gobolka” in ay muujin karaan in Madaxbanaanideena iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay u furan tahay in laga hadlo, tallaabadaas ayuu ka digay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Warkaan ayaa imanaaya iyada oo lagu waddo magaalada Kampala ee dalka Uganda in lagu qabtay shir looga hadlay xiisadda ka taagan Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii hishiis 1-dii bishaan ay wada gaareen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, kaaso dowladda Soomaaliya ay ka caroortay, kuna sheegtay ku xad-gudub madax-bannaanideeda dhuleed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed