Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Gaas oo war cusub ka soo saaray heshiiska difaaca ee Turkiga isla markaana fariin culus u diray mucaraadka

C/wali Gaas, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, ayaa sheegay in uu taageersan yahay heshiiska iskaashi ee dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo Arbacadii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Gaas oo soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeysay June 2011 iyo October 2012 ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay amniga badda iyo horumarinta dalka, maadaama uu Turkiga u sahlayo dhismaha, tababarida iyo qalabeynta Ciidanka Badda Soomaaliya ilaalinta badda burcad-badeedda, kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo khataraha shisheeye.

Mucaaradka iyo Warbaahinta ayuu ku booriyay in ay ka waantoobaan in la siyaasadeeyo heshiiska, isla markaana ay garab istaagaan madaxda Soomaaliyeed ee ku dadaalaya ilaalinta qaranimada iyo midnimada dalka.

Turkiga ayaa Soomaaliya la wadaaga dhinacyo kala duwan sida gar-gaarka bini’aadantinimo, kaalmaynta miisaaniyada, tababarada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka. Turkiga ayaa sidoo kale ka howlgala saldhig weyn oo militari iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii ay heshiis ku kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland oo ah gobol ka go’ay Soomaaliya, kaasoo dunidu u aqoonsan tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u aragta Somaliland qeyb ka mid ah dhulkeeda, ayaa cambaareysay heshiiskaas, waxayna ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qaranimadeeda, waxayna dalbatay in la joojiyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed