Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka hadlay qorshaha lagu dhimayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS

Dadaal lagu xoojinayo wadadii Soomaaliya ay ku gaari lahayd isku filnaasho dhanka amniga ah, Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay qorshe kale oo lagu dhimayo ciidamada nabad ilaalinta ee loo yaqaan ATMIS.

Qorshahan oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, intii lagu guda jiray kalfadhiga 37-aad ee Golaha Midowga Afrika, ayaa hoosta ka xariiqay horumarka ay ciidamada Soomaaliya ka sameeyeen dhanka sare u qaadista amniga dalka iyo la dagaalanka Al Shabaab. .

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Jaamac ayaa ku dhawaaqay dhimista soo socota, isagoo sheegay in 22,000 oo askari oo ATMIS ah laga dhigi doono wax ka yar 10,000 oo askari. Mar uu soo hadal qaaday guulihii ay gaareen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu carabka ku dhuftay in si guul ah loo soo gaba gabeeyay wajiyadii ugu horeeyay ee ka bixitaanka 5,000 oo askari.

Wajiga soo socda, ee loo qorsheeyay Juun 2024, ayaa arki doona dhimis dheeraad ah oo 9,500 oo askari ah, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee ka hooseeya 10,000.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed