Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiiradiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi, ayaa isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, isagoo soo magacaabay Wasiiro cusub, halka kuwo kalena uu xilalkooda ka qaaday. Isbeddellada, oo lagu dhawaaqay wareegto uu shaaciyay  afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, ayaa calaamad u ah tallaabo istiraatijiyadeed oo looga golleeyahay “wax ka qabashada arrimaha mudnaanta leh”

Wareegtadii ugu dambeysay ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi waxa uu ku magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, isagoo bedelaya Axmed Madoobe Nuunow. Sidoo kale, Cabdisalaan Cabdi Cali oo loo yaqaanno Dhaay ayaa la wareegaya xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta, isagoo bedelaya Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir.

Inkastoo aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee xil ka qaadista, haddana isku shaandheynta ayaa muujineysa sida ay dowladda uga go’an tahay tayaynta hoggaanka iyo wax ka qabashada caqabadaha cakiran ee ka dhex jira maamulka federaalka. Si kastaba ha ahaatee, ilo-wareedyo ku dhow dhow Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamaya in isbedelladan ay muujinayaan sida maamulka uu uga fal celinayo arrimaha mudnaanta leh iyo baahida loo qabo hoggaan firfircoon oo xilalka wasiirnimo ee muhiimka ah.

Iyadoo dowladdu ay dajineyso sidii ay u xoojin lahayd dowladnimada iyo wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah, waxaa weli isha lagu hayaa xilalka bannaan ee wasiirada. Xilalka Wasiirada Arrimaha Dibadda, Amniga Gudaha, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa weli ah kuwo aan weli buuxin, taasoo muujineysa in maamulka uu socdo wadatashiyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed