Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan muhiim la yeeshay safiirka cusub ee dowladda Talyaaniga kaasoo dhawaan yimid Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo kulan muhiim ah la yeeshay safiir dhawaan dowladda Talyaaniga ay u soo magacaawday  Soomaaliya, kulanka ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsanaa labada dowladood.

Ra’iisul Wasaare,  Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dalka Talyaaniga, Pier Mario Dacco’ Coppi. Waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la horumariyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iyagoo ka wada hadlay barnaamijyo horumarineed oo kala duwan, oo diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeyneed  ee hey’adaha labada dal.

Ra’iisul  Barre ayaa uga mahadceliyey Talyaaniga taageerada joogtada ah iyo sida ay uga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed