Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la yeeshay Wasaaradda Gaadiidka i iyo Hey’adda Duulista Rayidka

Kulankaan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa Ra’iisukl Wasaarahu  ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda  ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan dhab ah ku saameeyaan, isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayaasha ka danbeeyey dilkii muwaadin ka tirsanaa shaqaalaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo xalay meydkiisa laga helay gurigiisa, si caddaaladda loo horkeeno, isaga oo tacsi u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka.

Kulankaan ayaa imaanaya iyada oo Booliska Soomaaliya ay sheegeen inay gacanta lagu soo dhigay 6 eedeysane oo loo heysto dilka Marxuum C/naasir Muuse oo 32 jir ahaa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed