Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulamo xasaas ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka

Kulamadan oo la isku weydaarsaday warbixino la xiriira arrimo kala duwan oo qaranka ah, ayaa lagu muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay difaacidda madax-bannaanida qaranka iyo wadajirka dhuleed ee khataraha dibadda. sidoo kale waxaa looga hadlau arrimaha xasaasiga ah ee la xiriira amniga, dhaqaalaha, iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, dooduhu waxay isugu jireen arrimo badan oo ay ka mid yihiin caqabadaha amniga, dadaallada arrimaha siyaasadda, hindisayaasha kobaca dhaqaalaha, fursadaha maalgashi, iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee bulshada caalamka. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la sheegay in uu soo bandhigay warbixino faahfaahsan oo ku saabsan guulaha diblumaasiyadeed ee ay dowladdu ka gaartay ilaalinta danaha Soomaaliya, gaar ahaan marka ay wajahdo cadaadisyo dibadda ah, isla markaana tusaale u soo qaatay dhanka Itoobiya.

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee doodaha ayaa ahaa dadaallada dowladda ee horumarinta dib u habeynta dastuurka, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii looga saari lahaa qodobbada ku meel gaarka ah si loo helo dastuur dhameystiran oo qeexan oo ay yeelato Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay hindisahan, isagoo muujiyay baahida loo qabo in la caddeeyo arrimaha aasaasiga ah ee qaranka si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku ammaanay Baarlamaanka 11-aad hab dhaqankiisa hufan iyo shaqada sharci-dejinta, iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta doodaha la xiriira dhameystirka dastuurka. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa gebagebadii ka sheegay muhiimadda ay leedahay in diirada la saaro wadashaqeynta hey’adaha dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed