Ra’isalwasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke & Cali Maxamed Geedi ayaa si iska soo horjeeda waxay uga hadleen arrimaha wax ka badalka dastuurka ee haatan uu wado Baarlamaanka Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dhaliilay sida ay dowladda u wado arrinta dastuurka, isaga oo ka digay cawaaqib xumo ka dhalata wax ka beddelka uu rabo madaxweynaha.
Waxa uu tilmaamay in ficilada madaxda dowladda federaalka “ee ku aaddan soo saarida dastuur cusub” oo aan heshiis lagu ahayn ay albaabada u furayaan fara-galinta beesha caalamka, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in cod baarlamaanka uusan xal u noqon karin xaaladda Soomaaliya, isagoona ka digay qalalaase siyaasadeed oo albaabada u fura fara-gelin shisheeye.
Ra’iisul wasaare Sharmaake ayaa ku adkeysanaya in dhameystirka dastuurka u baahan yahay is-afgarad ballaaran, balse ay sax aheyn wadada ay ku wado dowladda hadda talada haysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ayaa imanaya xilli ay wax ka beddelka dastuurka meel adag ka istaageen madaxweynayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu meesha ka saarayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa.
Dhinaca kale Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa isagu taageeray qorshaha wax ka badalka dastuurka ee haatan la wado. Fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu ku yiri
Raysal Wasaarihii hore Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi oo yiri “Siyaasiyiinta danaystayaasha ah ee carqaladda ku ah dib u eegista & wax ka badalka dastuurka KMG ah ee Somaliya waxay dagaal kula jiraan mustaqbalka ifaya & danta Qarankooda ee jiilasha soo socda & xitaa ubadkooda.”
Cali Maxamed Geedi oo sii wada dhaliisha uu u jeedinayo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dastuurka wuxuu yiri
“Markii ay ku guuldareysteen in ay wax ka bedelaan dastuurka dalka mudadii ay xilalka hayeen, ma waxay hadda ka maseerayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu arrinka ka gaaro?. Waxaan ka codsanayaa baarlamaanka federaalka inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ansixinta.
Hadaladan iska soo horjeeda ee ka soo yeeraya Ra’isalwasaarayaashii hore ee Soomaaliya ayaa wuxuu muujinaya sida qorshaha wax ka badalka dastuurka loogu kala qaybsan yahay.
HBN NEWS DESK