Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya hadal ka dhan ah ka jeediyay shirkii Jaamacadda Carabta fariina u diray caalamka

Shirkii degdega ahaa ee Jaamacadda Carabta maanta isugu yimaadeen, kaas oo looga hadlayay xiisada ka soo korortay Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa wacaa qudbad dhanka ah fogaan aragga ah ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, isla markaana ku iftiimiyey qorshaha halista ah ee ay Itoobiya doonayso inay ku maamusho marinnada laga soo galo Badda Cas.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu khatar ku yahay ganacsiga iyo isu socodka caalamiga ah, asaga uu ka digay damaca Itoobiya iyo tallaabada ka dhanka ah biyaha Badda Cas ee Soomaaliya, waxaa uu ka soo jeediyay madashii shirka in dalalka Carabta ay midoobaan oo ay Soomaaliya garab istaagaan si looga hortago qorshahan gardarada ah ee xkuumadda Abi Axmed.

Soomaaliya oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa diiday heshiiskii la soo gebagebeeyey bilowgii sanadka cusub, kaas oo dhigaya in Itoobiya oo aan bad lahayn ay kiraysato meel 20 KM  ee Badda Cas.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed