Qarax Dhimasho iyo dhaawac sababay oo saaka ka dhacay Shabeellaha dhexe

Qarax haleelay Shabeellaha dhexe Gaari ay la socdeen Dad rayid ah oo isaga kala gudbayay Waddada isku xirta Magaalooyinka Jowhar & Mahadaay ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Laba ruux ku geeriyooday Inta la xaqiijiyay, halka tiro ka badan ay dhaawacmeen ka dib markii gaari ay la socdeen Dadkaas ay ku qaraxday miino. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Magaalada Jowhar si ay u helaan daryeel Caafimaad.

Gaariga qaraxu haleelay ayaa guud ahaan burburay, waxaana gurmad degdeg ah dadka waxyeellada soo gaartay u fididey dad dhallinyaro u badan iyo kuwo kale oo socoto ku ahaa Waddadaas, sida ay xaqiijiyeen goonjoogayaal.

Doonka Buur-fuule oo lah goobta uu qaraxa ka dhacay waxa uu deegaankaan kamid yahay deegaannada ugu badan ee qaraxyada kala kulmaan Gaadiidka isaga kala gudubta magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dadka dhaawacyadoodu daran yahay ayaa Waxaa lagu wadaa in loo soo qaado Magaalada Muqdisho sida mas’uuliyiin katirsan Hir-Shabeelle u sheegeen, ka dib booqasho ay u tageen Dadkaas dhaawacyada soo gaaray.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed