Qaramada Midoobay oo ku boorisay Itoobiya iyo Soomaaliya inay wada hadlaan si loo xaliyo xiisada cakiran

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay Addis Ababa iyo Muqdisho inay furaan wadahadal ay ku xalinayaan khilaafkooda ku saabsan heshiiska badda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, isla markaana sababtay xiisada labada dal ee deriska ah.

Xiisada  Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayni heshiis la saxeexatay Somaliland 1-dii January, kaasoo Itoobiya lagu siinayo saldhig Millateri Biyaha Badda Cas ee Somaliland.

Somaliland  oo gooni-isu-taaggeeda ku dhawaaqday 1991-kii — waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah. Addis Ababa ma aysan xaqiijin arrintan.

Soomaaliya ayaa Khamiistii diiday codsigii Itoobiya ee ahaa in la dhexdhexaadiyo haddii aan la baabi’in heshiiska, waxayna wacad ku martay inay la dagaallami doonto “dhammaan dariiqooyinka Qawaaniinta caalamiga ah  ee ka dhanka ah xukuumadda Itoobiya.

“Mar walba waxaa na haga mabaadi’deenna, mabaadi’deenna waxay la xiriiraan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalal ay Soomaaliya ka mid tahay,” ayuu Guterres ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay shirka G77 iyo Shiinaha.

“Waxaan rajeyneynaa in wada xaajoodyadu ay ku guuleystaan ​​sidii looga gudbi lahaa xaaladda hadda jirta,” ayuu yiri.

Khudbadiisa waxaa ka mid ahaa baaqyo ka soo yeeray madaxda Mareykanka, Shiinaha, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo ahaa in la ixtiraamo madax banaanida Soomaaliya.

Dowladaha deriska ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeyey xiriir aan wanaagsaneyn iyo dagaal dhinaca dhulka ah, waxaana dhexmaray labo dagaal dabayaaqadii qarnigii 20-aad.

Muqdisho ayaa heshiiska badda ku tilmaantay fal gardaro ah oo ay Itoobiya soo qaaday, iyadoo ku adkeysaneysa in aysan waxbo ka jiraan hishiiskaas, isla markaana sheegtay in Somaliland ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sida lagu heshiiyey, Somaliland waxay ogolaatay inay 20 KM oo ka mid ah xeebteeda muddo 50 sanno ah ka kirayso Itoobiya oo doonaysa inay saldhig ciidan iyo deked ganacsi in ay ka hirgaliso gobolka Awdal ee Badda Cas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed