aXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa si qoto dheer uga hadlay caqabadaha dhaqaale ee haysta howlgalka taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) intii uu socday shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada Baqdaad. Isagoo khudbad ka jeedinayay shirkaas ayuu Guterres ku muujiyay walaac weyn oo ku saabsan hoos u dhaca dhaqaale ee saameeyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa 1-dii Janaayo 2025.
AUSSOM, oo beddelay hawlgalkii hore ee ATMIS ayaa diiradda saaraya xasilinta, amniga iyo dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale oo weyn, iyadoo aysan jirin hannaan maaliyadeed oo cad, taasoo khatar gelin karta howlgalka, isla markaana keeni karta firaaq amni.
Guterres ayaa ugu baaqay dalalka Jaamacadda Carabta inay ka qeyb qaataan taageerada dhaqaale ee howlgalka, si loo gaaro yoolalka amniga iyo xasiloonida ee Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale xusay in taageerada joogtada ah ee beesha caalamka ay muhiim u tahay guusha howlgalka AUSSOM.
Howlgalka AUSSOM ayaa loogu talagalay in uu taageero siiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo in uu xoojiyo xasiloonida dalka, iyadoo la filayo in muddo xileedkiisa 12-ka bilood ah ee ka bilaabmay 1-da Janaayo 2025 lagu qiimeeyo xaaladda amni ee Soomaaliya iyo baahida taageero dheeraad ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta si ay uga wada hadlaan xaaladda Suudaan, iyagoo muujiyay walaac weyn oo ku saabsan colaadda sii xumaaneysa iyo xaaladda bini’aadantinimo ee dalkaas.
HBN ONLINE TV