Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo billaabay dhaqaalaha bini’aadanimo ee loogu talagalay dalka sanadkaan 2024

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa billaabay lacag dhan 1.6 bilyan oo dollar si wax looga qabto caqabadaha bani’aadanimo ee Soomaaliya. Qorshaha Waxqabadka Bani’aadamnimada ee 2024 wuxuu higsanayaa in uu bixiyo taageero naf-badbaadin ah in ka badan 5 milyan oo Soomaali ah sanadkan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladaha cimilada, colaadaha, faqriga baahsan iyo cudurrada dillaaca ay weli sababaan baahida bini’aadantinimo ee ka jirta dalka ku yaalla Geeska Afrika.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhacayso roob la’aan dheer oo ay daba socdeen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ay dad ku dhinteen.

“Marka la eego xaaladda guud ee bini’aadantinimo ee Soomaaliya 2024, World Vision waxay tixgalinaysaa in baahiyaha bini’aadantinimo ay sii socon doonaan 2024 sababtoo ah carqaladaha soo noqnoqda ee ka dhashay isbeddelka cimilada iyo arrimaha aasaasiga ah sida colaadda iyo amni-darrada,” ayay tiri Suganya Kimbrough, agaasimaha horumarinta barnaamijyada iyo hubinta tayada ee World Vision Somalia.

Laakiin “tirada dadka u baahan gargaarka bini’aadantinimo ee 2024 waxay hoos ugu dhacday 6.9 milyan marka la barbar dhigo 8.2 milyan oo qof sanadka 2023, marka loo eego qabyo qoraalka ugu dambeeyay ee Baahiyaha Bani’aadantinimada iyo Qorshaha Wax ka qabashada 2024,” ayay raacisay.

Waxa ay intaasi ku dartay in dhaqaalaha ugu badan uu yahay in lagu bixiyo howlaha lagu badbaadinayo nafta sababtoo ah Soomaaliya weli waa mid jilicsan.

Si kastaba ha ahaatee, Kimbrough waxay tiri, ururada bani’aadamnimada, oo ay ku jiraan World Vision, ayaa si tartiib tartiib ah u horumarinaya arrimaha bini aadanimada gudaha Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay hay’adda bini’aadantinimada ee OCHA,  2023 waxaa lagu maalgeliyay kaliya 43%, taasoo kor u qaaday welwelka laga qabo xaalad la mid ah sanadkan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed