Puntland oo xabsiga dhigtay ku dhawaad 15 maleeshiyaad oo xiriir la leh kooxaha Al shabaab iyo Daacish oo ku jiraan Ajaanib

Ciidamada Booliska Puntland ayaa howlgalo muddo laba todobaad ah ka socday gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso waxa ay ku soo qab qabteen 13 maleeshiyo oo xiriir la leh Al-Shabaab iyo Daacish oo ay ku jiraan labo Ajaanib ah.

Taliska Booliska Puntland ee gobolka Bari oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in labada nin ee Ajaanibta ah oo lagu kala magacaabo Xasan Ibnu Maxamed Ibnu Xuseen oo u dhashay Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay Suuriya ay ku soo qabteen howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Bohol. Waxaa kaloo ay sheegeen in 25 kale oo Soomaali ah in ay hadda xiran yihiin.

Dhowaan ayay ahayd markii maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Puntland ay xukun toban sano ah ku riday afar nin oo la sheegay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab. Xukunkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahan ay ku soo badanayeen magaalo-xeebeedda Boosaaso qaraxyo ay fuliyeen kooxda Al-shabaab. Ciidamada ammaanka ayaa la kulmay dhaleeceyn la xiriirta sidii ay wax uga qaban waayeen amni darada ka jirta magaalada Boosaaso.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed