Puntland oo soo saartay awaamiir la xiriirta amniga

Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo ka hadlay xaaladaha amni ee deegaanada maamulka ayaa soo saaray awaamiir bulshada loogu baaqay in wadajir looga qeyb qaato dagaalka lagula jiro kooxaha loogu yeero Argigixisada, halka hay’adaha Ammaanka la duldhigay amarro culus.

Booliska Puntland ayaa faray dhamaan Ciidamada kala duwan ee ku sugan magaalooyinka waa weyn faray inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo looga hortagayo in la yareeyo dhaqdhaqaaqa dadka u gudba kooxdaha ku sugan buuraha ee Daacish iyo Alshabaab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Puntland Gaashaanle sare Xasan Cabdullahi Maxamed oo shir jaraa’id qabtay saaka ayaa sheegay in go’aamada soo baxay ee lala socod siinayo hay’adaha amniga u qaabilsan ay kaalin ka qaadaneyso sidii loo adkeyn lahaa guud ahaan amniga Puntland iyo in la soo afjaro kooxda Daacish oo uu ku tilmaamay fayris laga fila karo meelo badan.

“ Waxaa la farayaa Ciidamada magaalooyinka waa weyn iyo kuwa yaryar ammaanka ka sugaya in taxadar dheeraad ah u muujiyaan baraha hubinta, dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo hubinta qofka, iyaga oo waajibaadkooda ka gudanaya inay ka feejignaadaan dhaqdhaqaaqa socda” ayuu yiri G/sare Xasan.

Sida oo kale uu ku adkeeyey shirkadaha gaarka loo leeyahay inay adkeeyaan amaanka goobahooda, maadama cidda ay u shaqeeyaan ay yihiin Puntland

Ugu dambeyn waxaa uu ku celiyey Gaahsaanle Sare Xasan Cabdullaahi inuu weli furan yahay cafiskii loo fidieyey dadka doonaya inay ka soo baxaan kooxaha Daacish iyo Alshabaab, wallow uu tilmaamay in qofkii howlgal lagu qabto uusan hadhow yeelan karin heyb balse uu ahaandoono shaqsi u eedeysan Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed