Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay go’aan ay kaga laabteen aqoonsiga dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo ku sababeeyay isbedellada lagu sameeyay dastuurka oo ay ku tilmaameen mid khilaafsan axdigii federaalka ee taariikh ahaan dalka ku midoobay. War-murtiyeedka ka soo baxay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa daba socda isbedel lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya oo ay ansixiyeen baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo dhaliyay qalalaase siyaasadeed.
Cabashada Puntland waxaa gundhig u ah in Dowladda Federaalka ay meesha ka saartay Dastuurkii KMG ahaa ee 2012, isla markaana ay qaadatay sharciyo cusub oo Puntland ay ku doodayso in ay dano gaar ah ka leeyihiin, khatarna ku yihiin haykalka Federaalka. Puntland ayaa marar badan ka digtay in falalka noocaasi oo kale ah oo ay waddo dowladda Federaalka ay halis ku yihiin midnimada iyo dowladnimada dalka. Maamulka gobolku wuxuu ku andacoonayaa in isbedelladani ay ka hor imaanayaan heshiisyadii asaasiga ahaa ee nidaamka federaalka Soomaaliya, sida ku cad dastuurka KMG ah iyo kan Puntland.
Puntland ayaa ku andacoonaysa in mowqifkeeda uu yahay mid lagu taageeray qodobo dastuuri ah oo uu ka mid yahay qodobka 142-aad ee dastuurka KMG ah oo ilaalinaya awoodaha maamuladii horay u jiray inta laga gaarayo is waafajinta dastuurka. Qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland ayaa sidoo kale awood u siinaya in ay dib u eegis ku sameeyaan ku biiristiisa dowladda dhexe ee federaalka, gaar ahaan haddii nidaamka federaalka la jabiyo.
Xiisadan ayaa salka ku haysa isbedelada taariikhiga ah ee lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya, kaasoo ahaa qodob ay ku murmeen dhinacyada kala duwan ee siyaasadda. Isbadaladan oo ah kuwo wax badan ka bedelaya awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana soo bandhigaya nidaamka xisbiyo yar, ayaa Puntland iyo dadka kale ee dhaliilsan waxay u arkaan tallaabo wax u dhimi karta nidaamka Federaalka Soomaaliya. Isbedelada, gaar ahaan awoodaha la kordhiyey ee madaxweynaha, ayaa keenay cabsida laga qabo maamul dhexe oo wiiqi kara madaxbannaanida dowlad goboleedyada federaalka sida Puntland.
Iyadoo taas ka jawaabaysa, Puntland waxay ku dhawaaqday inay doonayso inay si madax-bannaan u shaqeyso ilaa Soomaaliya ay ka sameysanayso qaab-dhismeed dastuuri ah oo loo dhan yahay oo wakiil ka ah.
Ka hor inta aan Sabtida cod loo qaadin Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynayaashii hore, siyaasiyiin caan ah, iyo Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa si weyn uga soo horjeestay dadaallada Madaxweyne Maxamuud ee wax ka bedelka iyo dib u eegista Dastuurka.
HBN NEWS DESK