Shacabka Oromada oo bilaabay bixitaanka magaalooyinka Soomaalida kadib dagaalka Mooyaale

Dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa bilaabay inay ka baxaan magaalooyinka Soomaalida, kaddib markii uu sii xoogeysanayay dagaalka ka socda magaalada Mooyaale, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Qaar ka mid ah shacabka Oromada ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi iyo culays dhanka amniga ah, taas oo ku qasabtay inay dib ugu laabtaan deegaanadii iyo magaalooyinkii ay markii hore ka yimaadeen.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada, balse aan si madax-bannaan loo xaqiijin, ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeray, kaddib warar sheegaya in la gubay guryo ay lahaayeen dad Oromada ka soo jeeda. Dhanka kale, magaalada Garoowe waxaa la sheegay in ciidamada ammaanka Puntland ay hor istaageen dad doonayay inay tagaan goob ay degganaayeen dad u dhashay qowmiyadda Oromada.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaalka ka socda magaalada Mooyaale ee gobolka Soomaalida Itoobiya uu gaaray heer culus, kaddib markii uu billowday 18-kii Oktoobar 2026. Ilaa hadda, hay’adaha ammaanka Somaliland kama aysan hadlin dhacdooyinka la xiriira rabshadaha iyo dhibaatooyinka la soo sheegay.

 

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed