Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee maamulka Puntland ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad ka dhan ah 4 nin oo lagu eedeeyay inay taageero iyo adeegyo sahay ah u fidin jireen kooxda Daacish ee ka dagaallanta deegaannada gobolka bari ee gobolka Bari.
Inkasta oo Maxkamadda la hor keenay laba eedeysane oo kala ah Maxamuud Cali Maxamuud Saxar oo 49 jir ah iyo Maxamed Rooble Maxamed oo 30 jir ah, hadane garsoorka ayaa laga hor sheegay in labada kale ee kiiska ku jira oo lagu kala sheegay Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed Faahiye iyo Saciid Ismaaciil Diraac oo 61 jir ah ay maqan yihiin, isla markaana ay u baxsadeen dalka Cumaan.
Baaraha kiiska ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanayaashu kooxda Daacish u qaban jireen sida uu dooddiisa ku soo bandhigay howlo la xiriira gaarsiinta raashinka iyo sahayda, qaadista xoolaha nool iyo kaxeynta dameeraha ay kooxdu u isticmaasho gaadiid ahaan. Wuxuu sheegay in raggaasi ay door ku lahaayeen howlaha sahayda, isaga oo tusaale u soo qaatay raashin lagu raray 15 dameer oo la sheegay in loo gacan galiye tiro dhowr jeer ah kooxda.
Dhinaca kale, qareennada difaacaya labada eedeysane ee maxkamadda la hor keenay ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay, iyaga oo sheegay inaan la hayn caddeymo ku filan oo muujinaya inay la shaqeynayeen Daacish. Qareenka Maxamuud Cali ayaa sheegay in eedda loo jeediyay aanay si cad ugu caddayn warqadda dacwadda, halka qareenka Maxamed Rooble uu sheegay in muwakilkiisu yahay ganacsade leh bakhaar lagu iibiyo fooxa, isla markaana aanu xiriir shaqo la lahayn Daacish.
Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, baaraha kiiska ayaa Maxkamadda la wadaagay xog ku saabsan qiraallo laga duubay labada eedeysane, kuwaas oo uu sheegay inay muujinayaan kaalintooda ku aaddan gaarsiinta raashinka iyo sahayda iyada oo la adeegsanayo Dameero.
Maxkamaddu waxay dhageysatay dhinacyada dacwadda, hase yeeshee lama shaacin go’aan rasmi ah oo dambeys ah oo laga gaaray kiiska.
HBN ONLINE TV

