Somaliland oo dadkeeda ka mamnuucday ka-qaybgalka siyaasadda Dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyada oo digniin dirtay

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in la dhaqan-gelinayo wixii hadda ka dambeeya go’aan ka mamnuucaya dad deegaanadeeda ka soo jeeda ka-qaybgalka howlaha siyaasadda dowlada Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga ee Xukuumadda Somaliand ayaa sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallo la sheegay kuwo lagu ilaalinayo waxa ay ku tilmaantay madax-bannaanida iyo jiritaankooda.

Go’aanka ayaa lagu saleeyey qodobbada 22aad iyo 29aad ee Xeer Lr. 71/2025, iyo go’aan ay labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ee kala ah Golaha Guurtida & Golaha Wakiillada oo si wadajir ah u soo saaray sannadkii 2003, kaas oo mamnuucaya ka-qaybgalka howlaha siyaasadda ee Dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo dalal kale inay adeegsanayaan waa sida ay ku doodaye qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland si ay u wiiqaan madax-bannaanideeda. Waxay ka digtay fal kasta oo ay u aragto mid wax u dhimaya amniga, jiritaankeeda, iyadoo sheegtay in dadka ku lug yeesha howlaha siyaasadeed ee la mamnuucay laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Wasaaradda ayaa hay’adaha amniga ku amartay inay fuliyaan go’aanka, dadka lagu eedeeyana ay horgeeyaan maxkamadaha awoodda u leh, si waafaqsan xeerarka Somaliland.

Sidoo kale, waxay bulshada Somaliland ee gudaha iyo dibaddaba ugu baaqday inay ka qayb qaataan ka hortagga waxay ugu yeertay fal kasta oo ay xukuumaddu u aragto mid wax u dhimaya madax-bannaanida Somaliland.

Tani waxay ku soo aadaysaa, iyada oo khilaafaadka siyaasadeed ee Somaliland kala dhexeeya DFS uu gaaray meel adag──ayna tiro dad ah oo eedeymo la shaqeyn Dowladda dhexe la xariirta ay xabsiga dhigtay. Somaliand waxay si adag ula dhaqantaa dadka taageera siyaasadda Dowladda Federaalka, iyada oo u aragta talaabo ka hor imaanaysa howlaheeda aqoonsi raadinta la xariira.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed