Oday dhaqameeed caan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Muuse Haaruun Aadan oo ahaa oday dhaqameed caan ah  magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Muuse Maquuni ayaa  kooxo hubeysan ku dileen degmada Deniile ee magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa dhaliyay walaac xooggan oo soo foot saartay dadka rayad ak ah iyo odayaasha dhaqanka.

Maamulka ayaa ku soo waramaya in kooxihii dilka geystay ay durbadiiba goobta isaga baxsadeen, iyadoo ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ay si deg deg ah u gaareen goobta uu dilka ka dhacay, kuwaas oo bilaabay baaritaano lagu raadinayo kuwii dilka geystay.

Muuse ayaa la sheegay in horay uu uga badbaaday dil qorsheysnaa, oo la doonayay in lagu khaarajiyo. Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dadku isugu soo baxeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo dhibaatooyinka lagu hayo waxgaradka Soomaaliyeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed