Nisa oo u daadatay Garuubyada WhatsApp-ka ee Al shabaab isla markaana hawada ka saartay in ka badan 2,500 oo ah nambarada mobilada

Talaabadan lagula dagaalamayo falalka faafinta warbixinada  Al shabaab ee Soomaaliya, ayaa Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) waxay qaaday tallaabo lagu soo afjaray  dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen ururka Al sahbaab  , isla-markaana hawada ka saartay in ka badan 2,500 oo ah nambarada mobilada ee lagu isticmaalo WhatsApp-ka . Tallaabadan istaraatiijiga ah ayay hay’addu sheegtay in looga golleeyahay in lagu carqaladeeyo shabakadaha Al shabaab laguna dhimo faafinta dacaayadaha xagjirka ah ee dalka oo dhan.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in kooxaha WhatsApp-ka ee shaqada laga joojiyay ay ahaayeen goobo ay kooxda Als ahbaab ku faafin jireen dacaayadaha ay dadka ku dhibaateynayaan oo ay ka geysan jireen falal sharci darro ah oo ay ka mid yihiin baad, sida hadalka loo dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalka afka ah ku daray mid ka mid ah dagaaladii ugu muhiimsanaa ee lagula dagaalamayo kooxda.  Fikradaha Al shabaab ayey dolwaddu u aragtaa  fal khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo u baahan tallaabooyin firfircoon si looga hortago dhaqdhaqaaqyadooda iyo ilaalinta bulshada nugul.

Iyada oo carqaladaynaysa kaabayaasha isgaadhsiinta ee ay isticmaalaan shabakadaha Al shabaab, dawladdu waxa ay higsanaysaa in ay carqaladayso hawlahooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed