Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa bulshada la wadaagtay iyo hay’adda Amniga xubin ay ku sheegtay inay si weyn ugu raad-joogto oo ka tirsan xafiiska qaraxyada ee Alshabaab, kaasi lagu magcaabo Horjooge Yuusuf Maxamed Xuseen, oo loo yaqaan Jeeri-Carab.
NISA ayaa sheegtay in xubintan uu mas’uul uga ahaa Alshabaab sahminta goobaha bartilmaameedka ah iyo weerarada ismiidaaminta ah ee ay kooxda ka fulin jireen gobolka Banaadir.
Weerarada uu ka soo qeyb qaatay oo gaaraya 10 qarax ayaa NISA ku sheegtay in dhamaantood ka dhaaceen magalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxyadii ka dhacay Villa Rosa, Aqalka Dowladda Hoose, Pearl Beach, SYL Hotel, Beach View yo weeraradii ka dhacay maqaayadaha Sayidka, Jawi Coffee, Blue Sky, Top Coffee iyo School Polizio.
Sida oo kale NISA ayaa sheegtay in gacanta ay ku soo dhigay inta badan xubnihii la shaqeynayay Jeeri-Carab, gaadiidkii ay adeegsan jireen yo xubno ka mid ah qoyskiisa oo sida ay carrabowday weli si dhaw ula socda dhaq-dhaqaaqa horjoogahan, isaga oo maalmihii ugu dambeeyay ku dhuumaaleysanayay nawaaxiga deegaanka Mubarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ugu dambeyn NISA ayaa muwaadiniinta & Hay’adaha amniga ka dalbatay in ay kaalintooda ka qeyb qaataan, iyada oo u bandhigtay cidii xogtiisa soo gudbisa inuu ku guuleysa doono $30,000 oo doollar oo abaalmarin ah.
HBN ONLINE TV