War ka soo baxay Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji) oo lagu sheegay in Alshabaab u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka ay u adeegsadaan qaraxyada.
NISA ayaa intaas ku dartay in Cabdinaasir uu cillad-bixiyay ilaa sagaal gaari oo qaraxyo loo adeegsaday, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad soo kala gaaray.
Gaari noociisu yahay Harrier loona adeegsaday qaraxii ka dhacay Hotel SYL ayey NISA sheegtay in deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ugu soo dhiibay Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri ma leedahay) oo Xukunsane ah.
NISA oo baaris xooggan ka wada Muqdisho ayaa todobaadkan soo bandhigtay xubno ay sheegtay in Alshabaab u qaabilsanaayeen sahminta, dhaqaatiir iyo qaar kale oo loo heysto dilaal dad ganacsato ah gobolka Banaadir loogu geystay.
HBN ONLINE TV