Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray New York halkaasi oo uu kaga qayb galayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray New York si uu uga qayb galo kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo soconaya 22 ilaa 28 bishan September.

Masuul ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay HBN In ajandayaasha Madaxweynuhu khudbadiisa ku soo qaadan doono ay ka mid yihiin horumarinta, maalgashiga dalka iyo la-dagaallanka xagjirnimada Soomaaliiya & Geeska Afrika, isla markanaa shirku uu Soomaaliya siinayo fursad ay caalamka ugu bandhigto mudnaanta dhaqaale iyo walaacyada amniga gobolka.

Soomaaliya waxay sanadkan u dhammaanaya labada sano ee ay xubin ka ahayd Golaha Ammaanka. Madaxweynaha ayaa la filayaa inta shirka uu ka qayb galayo inuu kulamo la yeesho madaxda shirka ka qayb galaysa.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed