Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee dalka & qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa weerar culus ku qaaday dowladda federaalka, isaga oo dhaliilo adag u soo jeediyeen.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa jeediyey ayaa aad u dhaliilay madaxweyne talada dalka haya Xasan Sheekh iyo dowladdiisa, gaar ahaan siyaasadda uu xilligan ku wajahayo arrimaha dibadda.
Heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu tilmaamay inuu ahaa mid aan la fileyn, maadaama ay jirtay xiisad xoogan oo u dhexeysay Muqdisho iyo Addis Ababa, welina aan xal laga gaarin. Wuxuu ku eedeeyay Itoobiya in ay rabto bad ay qaadato, horayna arrintaasi ay u shaaciyeen sida uu hadalka u dhigay mas’uuliyiinta sar sare ee dalkaasi.
“Habka loo maray heshiiskan waa khaldan tahay, culeysna waxa ay ku tahay Soomaalida, nabad-na ma ku imaaneyso” ayuu mar kale yiri.
Dhanka kale, Xidlhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo madaxweyne Xasan ku eedeeyey in sumcad xumo weyn oo uu soo hooyey sida uu hadlaka u dhigay ummadda Soomaaliyeed ayuu sheegay in Addis Ababa fashil kala soo laabtay.
Arinta dhulka oo dowladda lagu eedeeyo inay si aan habooneyn u maareysay ayuu carrabka ku dhuftay in aan waxaan la aqbali karin tahay in laga iibiyo ganacsato dhul dan guud.
“Ceebta iyo sumcad xumada meesha ka dhacday ee Itoobiyaanka maanta ku damaashaadaayaan waxay tahay in iyaga loo hoyday, mana qariyaan. Ninkii lagu gabood falaa loo soo hoyday dheheen” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
HBN ONLINE TV