Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dagaal culus oo ay kula galeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Shanta Baraako oo ku yaalla duleedka degmada Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen xubno ka tirsanaa kooxda.
War-saxaafadeed uu Taliska soo saaray galinkii dambe ee maanta lagu sheegay in dagaalku dhacay kaddib markii ciidamadu ay la kulmeen dagaalyaal ku sugnaa dhulka u dhexeeya Leego iyo Lidoow Jalaato, waxaana uu tilmamay in ciidamadu ay ka adkaadeen maleeshiyaadkii ay dagaallameen, isla markaana ay burburiyeen fariisimihii ay kooxda ku lahayd deegaanka.
Labada xubnood ee lagu dilay dagaalka ayaa lagu kala magacaabay Cabdiftax Gaalgooriyow iyo Cabdulqaadir Xuseen, kuwaas oo bayaanku, ku tilmaamay masuuliyiin qaabilsanaa dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo sahayda Al-Shabaab ee deegaannada u dhexeeya Leego iyo Buurhakaba.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadaan cutubyada fulinaya Howlgalka Banooda, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay burburinta fariisimaha kooxda, sugidda amniga waddooyinka muhiimka ah iyo xaqiijinta isu socodka shacabka.
Hbn Online Tv

