Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed uu ku beeninayo warar lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in xubno ka tirsan ciidanka ay mudaharaad ka dhigeen xarunta wasaaradda gaashaandhigga.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka mudaharaadka sameeyay aysan ka mid ahayn ciidanka Somaliland, balse ay yihiin shaqaale rayid ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga.
Taliska ayaa sidoo kale xusay in aanay jirin wax xuquuq ah oo kaga maqan ciidanka Somaliland, isla markaana uu talisku si buuxda ugu heelan yahay ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta gudaha ciidamada.
Goor hore oo maanta ah, baraha bulshada ayaa waxaa qabsaday sawiro iyo xog ku saabsan mudaharaad ka dhacay bannaanka hore ee wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, halkaas oo ay isugu soo baxeen qaar ka mid ah naafada iyo agoomaha ciidanka. Dadkaas ayaa cabasho ka muujiyey sida xogta lagu hayo in laga reebay mushaharka kordhinta ciidanka loo sameeyay, isla markaana ay daryeel la’aan ka cabanayaan.
Dhanka kale, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Somaliland ay xireen laba saxafi oo goobta ku sugnaa goobta banaanbaxa ka socday, kuwaas oo tabinayey dhacdadaasi markii ay dhacaysay.
HBN ONLINE TV

