Midowga Afrika oo war kooban ka soo saaray faragelinta Itoobiya ee Badda Cas ee Somaliland

Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Ururka Midowga Afrika ayaa muujiyay taageerada xooggan ee ay u hayaan madax-bannaanida dhuleed iyo mid siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan dadaallo ay Itoobiya ku doonayso inay ku farageliso biyaha Badda Caas ee Somaliland.

Goluhu wuxuu dib u xaqiijiyay mabda’a iyo  Axdiga Midowga Afrika oo mamnuucaya wax kasta oo ka hor imaanaya madax-bannaanida iyo midnimada dalalka xubnaha ka ah.

Golaha ayaa sheegay in waajib tahay ilaalinta Xeerka Midawga Afrika kaaso meesha ka saaraya in lagu xadgudbo Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka xubnaha ka ah golaha oo ay ku jiraan Soomaaliya & Itoobiya

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed