Midowga Afrika oo war culus ka soo saaray xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya baaqna soo jeediyay

Warmurtiyeedka laga soo saaray Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Midowga Afrika oo si adag looga hadlay khilaafka xooggan ee ka dhex taaggan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ururka Midowga Afrika oo labadi maalin ee la Soo dhaafay shir madaxeedkii 37-aad ku yeeshay xaruntooda magaalada Addis Ababa ayaa soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimo kala duwan oo khuseeya qaaradda.

Waxaa lagu bogaadiyey dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al shabaab , iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo saaxiibada la shaqeeya ee taageera..

Midowga Afrika warmurtiyeedka uu soo saaray ayaa si adag uga hadlay Xadgudubka Ethiopia ee dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis beenaad ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa Itoobiya iyo Somaliland 1-dii January 2024.

AU waxay mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay iyo inay taageerto midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa ugu baaqday labada dal in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si arrinta xal nabadeed looga gaaro.

Midowga Afrika waxa uu sidoo kale ka codsaday Dowladaha xubnaha ka ah iyo Beesha Caalamka inay kordhiyaan kaalmada ay siiyaan DFS, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ciidamadeeda Ammaanka, looga adkaan lahaa Al-shabaab iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada iyo xasilloonida deegaannada cusub ee laga saaray. AU waxay ku ammaantay UN, EU, UK, US iyo saaxiibada kale taageeradooda dhaqaale iyo saadka ee joogtada ah ee ATMIS.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed