Midowga Afrika oo soo dhaweyay go’aanka Maxkmadda ICJ ee ku amrayay Israa’iil inay ka hortagto xasuuq Falastiyiinta

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay go’aankii Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) oo ku amartay Israa’iil inay ka hortagto falalka xasuuqa ah ee Gaza.

Bayaan uu soo saaray, Moussa Faki Mahamat, ra’iisul wasaarihii hore ee Chad, wuxuu ku sheegay in ururka qaaradda uu soo dhaweynayo “tallaabooyinka degdegga ah ee ku meel gaarka ah ee ay amartay ICJ ee codsiga ay keentay Koonfur Afrika”.

Waxa uu sheegay in xukunkani uu ilaalinayo ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo baahida loo qabo in Israa’iil ay u hoggaansanto waajibaadka ka saaran Axdiga Xasuuqa.

AU waa urur qaaradeed oo ka kooban 55 dawladood oo xubno ka ah qaarada.

Koonfur Afrika ayaa Israa’iil geysay Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay magaalada Hague 29-kii December, iyadoo lagu eedeeyay xasuuq ka dhan ah Falastiiniyiinta, waxaana kiiskan la dhageystay horraantii bishan.

Jimcihii, maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa heshay sheegashada Koonfur Afrika ee ah in Israa’iil ay geysanayso xasuuq.

Maxkamadda ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo ay ku dalbanayso Israa’iil inay joojiso xannibaadda ay ku hayso gargaarka Gaza iyo inay hagaajiso xaaladda bini’aadantinimo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed