Shir muddo maalmo ka ah socday deegaan hoostaga magaalada Ceerigaabo oo looga hadlayey dagaalladii ka taagnaa gobolka ayaa waxaa ka soo baxay qodobo iyo axdiyo ay soo saareen odayaasha dhaqanka ee halkaasi isugu tagay.
War-murtiyeed looga hadlayey amaanka gobolka ayaa dhaqanka Warsangali waxaa uu ka soo saaray 7 qodob oo qaarkood lagu duray Somaliland iyo kuwa lagu difaacayo sida ay halka u dhigeen lahaanshiyaha magaalada dagaalku ka dhacay ee Ceerigaabo.
Madaxda dhaqanka Warsangali bayaankooda ayaa Nasiib darro ku tilmamamay dagaalkii 27-kii November 2024 ee ka dhacay magaalada Ceergaabo oo sida warka ay u dhigeen ahaa “duulaan qorsheysan oo muddo dheer lala beegsaneyey beelaha waqooyi”, waxaana ay carrabka ku dhufteen in ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac, boob hantiyeed iyo barakicin dhammaan dadkii ku abtirsanayey.
“Duullankaas waxaa hor kacayey maamulka iyo ciidamada Somaliland oo
ay weheliyaan shacab iyo malayshiyaad ku beelaha hartiyeed” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.
Sidoo kale Shirka ayaa la sheegay in lagu go’aamiyey in ku dhaganka shareecada islaamka ay u tahay marjac wax kasta oo lagu wada hadlayo ah, halka Somaliland ay jabisay sida warka loo dhigay heshiiskii Nabadda 11/11/1993 ee wada deganaasha magaalada Ceergaabo.
Ugu dambeyn nuxurka Shirka ayaa lagu cadeeyey in si buuxda loo difaaco sida warka loo yiri Magaalada Ceergaabo, waxaana lagu baaqay in 15-ka February 2025 shirweyne kale la isugu yimaado isla Magaalada shirka lagu soo xiray Ceelbuuh ee gobolka Sanaag.
HBN ONLINE TV