Maxuu yahay hishiiska taariikhiga ah ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Mareykanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hishiish weyn oo dhanka Millateriga ah la gashay dhiggeeda dalka Mareykanka, isla markaana ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay ku taal safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Hishiiskaan oo lagu sheegay mid taariikhi ah ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac kaasoo saxiixay nuqulka hishiiska Muqdisho iyo Washington.

Dhanka kale, hishiiskaan Mareykanka waaxaa u saxiixay Sii Hayaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa ku xigeenka Kaaliyaha Xogahaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan AfrikaAfirka Mooli Fii.

Madaxweynaha ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid  u horseedaya in Dowladda Maraykanku ay kordhiso taageerada iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgelinayaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Mareykanka ayaa  horay saldhig ugu lahaa garoonka ciidamada Cirka ee Balli-doogle iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed