Maxkmad ku taal magaalada Muqdisho oo bilaawday dhageysiga dacwado ka dhan ah rag loo heysto musuq maasuq

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwado ka dhan ah dad lagu soo eedeeyay musuq maasuq oo ku lug leh Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Dhexe.

Saraakiishan ayaa horay xukuno kala duwan ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyagoo racfaan ka qaatay xukunka.

Bishii hore ee September ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukun ku riday Shan Sarkaal oo ka kala tirsan Hay’addaha Hanti dhowrka guud iyo Bankiga Dhexe, kuwaasi oo lagu helay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Musuq maasuq, ku takri fal awoodeed, dukumiintiyo been abuur ah iyo wax isdaba marin.

Mas’uuliyiinta la horkeenay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa horay xukuno ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana lagu riday xukuno kala duwan, inkastoo markii dambe ay racfaan ka qaateen Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa sanadkii hore ku eedeeyay qaar ka mid ah madaxda dowladda inay lunsadeen lacag ka badan 20 milyan oo dollar.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed