Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Askar iyo Saraakiil loo heysto hub iyo gaadiid dagaal oo u gacan galay AS

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro lagu soo xirayo in ka badan 30-askari oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan qeybta Galmudug, kadib markii lagu eedeeyay habacsanaan ku aadan saanad ciidan oo ku sugnaa  jiidaha hore ee gobolka Mudug, oo la sheegay in  uu Al shabaab u gacan galay.

Shaqsiyaadka la xiray ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira in ay si xun u maamuleen hub iyo gaadiid la sheegay in Al-Shabaab ay ku qabsadeen weerar ay ku qaadeen deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha iyo askarta la xiray lagu eedeeyay inay dayaceen gaadiid iyo hub horay u galay gacanta Al-Shabaab oo mararka qaar ay gubeen.

Dhacdadan ayaa dhacday intii lagu guda jiray weerarkii cuslaa ee Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalada Caad horaantii bishan. Saraakiisha Maxkamadaha ayaa dacwado ka bilaabay deegaanka Wisil ee gobolka Mudug oo ah saldhigga ugu weyn ee ay ku sugan yihiin ciidamada howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta gobolka Mudug.

Dhageysiga dacwadda loo heysto askarta iyo saraakiisha ayaa lagu wadaa in ay dhacdo maalmaha soo socda, iyadoo maxkamadda ay dooneyso in ay wax ka qabato eedeymaha loo soo jeediyay ee ah habacsanaanta. Shaqsiyaadka la xiray ayaa wajihi doona su’aalo la xiriira duruufaha ku xeeran dayacnaanta agabka ciidamada ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Dhacdadan ayaa daba socota dhacdooyin dhawaan ka dhacay isla maxkamaddaas, 27-askari oo ka tirsanaa ciidankii Gorgor, kuwaas oo ka baxsaday dagaalka, lagu xiray Dhuusamareeb, kadibna lagu xukumay shan sano oo xarig ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed