Maxkamad ku taalla dalka Turkiga oo xukun ku riday wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa xukun riday wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo shil gaari ku dilay muwaadin u dashay dalka Turkiga si aanan ku tala gal aheyn, markii gaariga uu watay uu ku dhacay mooto uu saarnaa, taasoo  uu guryaha ku geeyn jiray dalabyada, 30-kii bishii November 2023.

Maxkamadda dalka Turkiga gaar ahaan magaaalada Istanbul ayaa  2 sanno iyo bar ku xukuntay Maaxmed Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo loo beddelay isla markiiba ganaax lacageed oo dhan 27,300 oo lacagta Turkiga ah, una dhiganta $900 oo dollar, sid ay warisay warbaahinta ka soo baxda dalka Turkiga.

Xeer ilaalinta ayaa markii hore  soo jeedisay oo dooneysay in lix sano lagu xakumo eedeeysanaha. Maxkamadaha dalka Turkiga ayaa waxaa caadi ka ah, in xabsiga loo beddeli karo ganaax lacageed.

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya  ayaa sidoo kale lagala noqday shatiga gaari wadista ee Turkiga  muddo lix bil ah. Xukunka ayaa dhacay iyada oo  uu ka maqnaa maxkamadda, sida ay warisay warbaahinta Turkiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed