Maxkamad ku taal Muqdisho oo bilowday dhageysiga dacwad loo heysto nin lagu eedeeyay inuu gubay xaasKiis oo uur leh

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaca ah bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo bishii hore magaalada Muqdisho ku gubay xaaskiisa oo uur laheyd.

Meydka Marxuumada ayaa weli yaalo Isbitaalka iyadoo qoyskeeda ay diideen in la aaso ilaa inta cadaalada laga helayo. Ehelada labada dhinac, bulshada qaybaheeda kala duwan, qareeno, iyo xeer ilaaliyeyaal ayaa ka qayb galaya dacwada dhageysiga ee telefishinka.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdi Casiis Jaziirain oo 28 jir ahayd, waxay ahayd haweeney uur leh, waxayna ka shaqaynaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxayna u geeriyootay dhaawac soo gaaray, kaddib markii ninkeeda la sheegay inuu dab qabadsiiyay.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin sawirada Luul Cabdi Casiis Jaziira oo ku jirta Faranjiyeer isbitaalka, waxayna dalbanayeen in dowladda Soomaaliya ay dacwad kusoo oogto Sayid Cali Cabdi Xaaji Daa’uud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed