Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in seddex askari lagu toogtay duleedka magaalada Baydhabo, kuwaas oo horay loo xakumay sida shaacisay maxkamaddu kadib dilal ay geysteen.
Toogashada ayaa ka dambeysay kadib markii maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku riday Xuseen Cali oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed, C/waaxid Cali oo asna ka tirsanaa Militariga Soomaaliya iyo C/llaahi Ibraahim oo ka mid ahay Booliska Koonfur Galbeed, sida ay sheegtay maxkamaddu inta ay socotay eeddooda.
Xuseen iyo C/waaxid ayaa qof rayid ah ku dilay magaalada Baydhabo June 18, 2018, halka Cabdullaahi uu dilay nin farmashiste ahaa oo isku diyaarinayay guurkiisa bishii June 3, 2023.
HBN NEWS DESK