Maxay yihiin safiirada cusub ee ay maanta meel mariyeen Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Shirkoodii todobaadlaha ahaa ee Khamiislaha ahaa ayaa golaha wasiiradu waxa ay ku ansixiyeen magacaabista toban safiir oo cusub.

Sida ay dowladdu sheegtay safiirradan ayaa loo diri doona dalalka ay Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed la leedahay, balse weli lama shaacin magacyada dalalkaas.

Magacaabista Safiirada ay dowladda Soomaaliya u magacawday Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa xilli Soomaaliya ay dooneyso in ay xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka caalamka, si ay u yeelato isbaheysi ay isaga kaashadaan arrimaha gobolka iyo caalamka.

 

Safiirada la magacaabay ayaa kala ah.

1. Cabaas Maxamuud Maxamed (Farabadane).

2. C/llaahi Maxamed Sheekh A/llaahi

3. Cali Cabdi Awaare

4. Cali Maxamed Abuukar (Cali Wolf).

5. Bashiir Xasan Xaaji

6. Fatxudin Cali Maxamed

7. Xuseen Cabdi Xalane

8. Khadiija Cosoble Cali

9. Khadra A Ducaale

10. Ridwaan Xirsi Maxamed

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed