Maxay xalay Xeebta Liido ka sameyeen Ra’iisal Wasaare Xamse iyo madaxda 3 kamid ah maamulada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabelle kormeeray xalay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Xamza Cabdi Barre iyo madaxda saddexda maamul ayaa waqti la qaatay shacabka Soomaaliyeed ee ku damaashaadayay xeebta Liido, taasoo lagu sheeegay nabadda iyo xasiloonida ka jirta caasimadda dalka ee Muqdisho.

Booqashada ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada waxaa sidoo kale ku wehlinayay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha.

Axmed Qor-Qor, Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo ay uga qeyb galeen shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee Jimcihii lasoo gabagabeeyay.

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray gabagabada shirarkii 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dadaallada xasilinta amniga, ka hortagga Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka iyo wax ka bedelka iyo arrimo kale oo dastuuri ah.

War-murtiyeedka oo ka kooban saddex qodob oo muhiim ah, ayaa lagu muujiyey heshiisyada ay dhinacyadan wada gaareen, oo ay ka mid yihiin, Tayeynta Amniga iyo la-dagaalanka Argagaxisada, Dar-dar gelinta Dib-u-eegista Dastuurka iyo Xoojinta Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Bani’aadantinimada.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayay, iyadoo Hay’adaha ammaanka ay qaadayeen tallaabooyin dhab ah oo lagu hagaajinayo ammaanka Caasimadda Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed