Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka maalinta Isniinta soo socota, iyadoo 3 qodob muhiim ah ay ka mid yihiin ajandaha wada-hadallada la filayo inuu la yeesho maamulka Maraykanka.
Shabakadda Axios ayaa soo xigatay afar ilo xog-ogaal ah oo sheegay in qodobada laga wada hadli doono ay kala yihiin: Iiraan, Gaza, iyo cashuuraha uu soo rogay Trump.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Netanyahu uu doonayo inuu gaaro is-faham uu la yeesho Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku saabsan weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka Iran haddii dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira Tehran ay fashilmaan.
Shabakaddu waxay intaas ku dartay, iyadoo soo xiganaysa isla ilahaasi, in Netanyahu uu rumeysan yahay in fursadaha heshiis nukliyeer oo dhexmara Maraykanka iyo Iran ay aad u yar yihiin.
Trump ayaa Iiraan siiyay laba bilood si loo gaaro heshiis nukliyeer oo cusub, isagoo uga digay cawaaqib xumada haddii ay diiddo inay gasho wada-hadallo. Balse Tehran ayaa kaga jawaabtay in heshiiska hadda jira aan la cusboonaysiin karin, isla markaana aysan geli doonin wada-hadallo toos ah oo lala galo Maraykanka.
Qodobka Xabbad-joojinta
Mas’uul kale oo Maraykan ah ayaa sheegay in wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Stephen Whitkoff, uu u safri karo Gobolka toddobaadka soo socda si uu ambaqaado dadaallo xabbad-joojin laga gaaro dagaalka ka socda Gaza.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio uu khadka telefoonka kula hadlay Netanyahu, ayna ka wada hadleen xaaladda Gaza, siideynta maxaabiista, iyo qodobka cashuuraha. Rubio ayaa xaqiijiyay taageerada Maraykanka ee Israa’iil.
Shuruudaha Netanyahu
Netanyahu ayaa hore u sheegay in Isra’iil diyaar u tahay inay ka hadasho wajiga ugu dambeeya ee dagaalka, balse wuxuu shardi uga dhigay in Xamaas ay hubka dhigto oo ay madaxdooda ka baxaan Marinka Qaza.
Wuxuu sidoo kale shardi uga dhigay dib u bilaabashada wada-hadallada in la bilaabo wax uu ugu yeeray “qaxootinimo ikhtiyaari ah” taasi oo ah in dadka Falastiin laga saaro Gaza, si loo fuliyo qorshaha Madaxweynaha Maraykanka, isagoo adkeeyay in Tel Aviv ay dooneyso dammaanad ku saabsan maamulka amni ee Marinka Gaza.
Horraantii bishii March 2025, ayaa la soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta iyo is-weydaarsiga maxaabiista ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil, kaasoo dhaqan galay 19-kii Janaayo 2025, waxaana dhexdhexaadin ka ahaa Masar iyo Qatar, iyadoo Maraykankuna taageersanaa.
Inkasta oo Xamaas ay fulisay dhammaan qodobadii ku jiray wajiga koowaad, Netanyahu, oo ah eedeysane ay raadinayo maxkamadda caalamiga ah, ayaa ka laabtay fulinta heshiiska wajigii labaad, isagoo u hoggaansamay cadaadiska xagjiriinta ka tirsan isbahaysigiisa siyaasadeed ee ka mid ah xukuumadiisa, kuwaasi oo dalbanayay in la joojiyo in loo gudbo wajiga labaad ee heshiiska kaasi oo dhigaya in dhammaan maxaabiista la sii daayo isla markaana Israa’iil ciidankeeda kala baxdo gabi ahaanba Gaza.
Warqabadka HBN Online TV