Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Aweys Muudey, oo sidoo kale loo garanayay Boqorka Bartamaha, ayaa lagu dilay xero qaxooti oo ku taalla magaalada Darmstadt ee gobolka Hessen ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu tan iyo 2019-kii ku noolaa.
Booliiska Jarmalka ayaa baaritaan ku wada nin 28 jir ah oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu dilka geystay. Ciidamada Booliiska ayaa ninka qabtay kaddib markii ay goobta gaareen, waxaana ay isla qaadeen maydka marxuumka iyo eedeysanaha, iyadoo la sugayo natiijada baaritaanka ay wadaan.
Warar laga helay dad deggan goobta dilku ka dhacay ayaa sheegay in marxuumku uu soo booqday ninka dilay, lamana oga sababaha dilka ka dambeeya, waxaana socda baaritaan. Ninka dilka gaystay ayaa la sheegay inuu adeegsaday toorey.
Qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa warbaahinta u sheegay in Booliisku ay soo fasaxeen maydka marxuumka, waxaana maanta oo Sabti ah lagu wado in lagu tukado salaadda janaasada, kaddibna lagu aaso qabuuro ku yaalla dalkaas.
Jarmalka ayaa kamid ah dalalka Yurub ee martigeliya qaxooti badsn oo Soomaaliyeed, waxaana dhacdadan ay gilgishay Soomaalida ku nool dalkaas, maadaama dilka marxuumka uu gaystay muwaadin kale oo Soomaali ah.
HBN ONLINE TV

