Maxay ka wada hadleen madaxweyne Xasan sheekh iyo Safiirka Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay Safiirka Switzerland u fadhiya Soomaaliya, Valentin Zellweger, oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjire Valentin Zellweger waxa ay kaga wadahadleen arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ah oo khuseeya labada dal.

Warbixin kooban oo ay soo saartay Villa Somalia, ayaa qodobbadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa dardargelinta amniga gobolka, iskaashiga Soomaaliya iyo Switzerland ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal.

Kulanka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha la wadaago iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee Switzerland iyo ka qeyb qaadashada dadaallada nabadda iyo horumarka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Switzerland “sida ku cad qaab dhismeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si wax looga qabto walaacyada amni ee halista ah iyo horumarinta hindisayaasha xallinta khilaafaadka.

Danjire Valentin Zellweger ayaa dhankiisa u gudbiyay sida ay Switzerland uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, waxaana ay hoosta ka xariiqday in ay muhiim tahay in la wada hadlo iyo in la iska kaashado sidii loola tacaali lahaa caqabadaha gobolka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Switzerland ay ka go’an tahay mudada dheer inay taageerto dadaalada nabad dhiska iyo dowlad dhisidda ee Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo midnimo iyo in la sii wado kaalmada caalamiga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed