Maxaa ka soo kordhay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday saldhigii ugu weynaa kooxda Al shababa ee gobolka Galgaduud

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weerar cirka ah ku qaaday saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Weerarka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saldhiga ugu weyn ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolkaasi, kaasi oo ku yaala degmada Galhareeri.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in weerarka lagu bartilmaameedsaday saldhigga Al-Shabaab “xilli ay saldhigga ku sugnaayeen xubno badan oo kooxda ka tirsan”.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in weerarka lagu dilay saraakiil iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, balse ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee xubnahaasi lagu dilay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan duqeynta ah.

Deegaanka Galhareeri ayaa ka mid ah magaalooyinka ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana ciidamada huwanta ah ee howlgallada ka wada deegaanada Galmudug ay ku wajahan yihiin deegaankaasi, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay sidii kooxdaasi looga xoreyn lahaa.

Gobollada dhexe ayaa waxaa hadda ka socda howlgallo xooggan oo kooxda Al-shabaab looga xoreynayo deegaanno badan, kuwaasoo weeraro xooggan ay ku qaadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawisley.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed