Maxaa ka soo kordhay diyaaradii maanta ku dhacday magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool

Hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii diyaarad siday gargaar bani’aadanimo ay dhacday abbaare 11:30 subaxnimo ee maanta oo Khamiis ah magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Diyaaradda burburtay ayaa saaka ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana saarnaa afar qof oo ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adda WFP, kuwaasoo siday gargaar.

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha C/fitaax Geedsane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shilka diyaarada uu yimid kadib markii mid ka mid ah taayirka diyaarada uu ka baxay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan iyo dhismo ku dhow garoonka. Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa soo jeediyay in ay jiraan koox gurmad ah oo ka shaqaynaysa xaaladda

Bilowgii bishan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen diyaarad Helicopter ah oo Qaramada Midoobay ay la socdeen labo nin oo Soomaali ah iyo 7  Ajaanib ah, kadib markii ay si deg deg ah ugu degtay deegaan ay maamulaan kooxdu.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed