Maxaa ka socda Addis Ababa? Maalintii 2-aad ee kulamada Xasan Sheekh & Abiy Axmed

Iyada oo maalinkii 2-aad uu galay socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo dalka Itoobiya ayaa waxaa halkaasi uu kulamo dhinacyo badan ah kula leeyahay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed.

Wadahadalada maanta oo il gaar ah lagu hayo waxa ay is dhaafsanayaan labada hoggaamiye ayaa xogihii ugu dambeeyey waxaa ay sheegayaan in Abiy iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wadahadli doonaan sinnaanta, is-ixtiraamka iyo ballanqaadka ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee labada dal.

Xildhibaan Ayuub Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fariin uu soo dhigay baraha bulshada waxaa uu kaga hadlay kulamada ka socda Addis Ababa wuxuuna yiri “Xiriirka aan la leenahay Itoobiya waxa uu ku saleysan yahay sinnaanta, is-ixtiraamka, iyo ballanqaadka ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee labada dal, taas oo ah aasaaska iskaashi laba geesood ah oo dib loo cusboonaysiiyay maanta” ayuu yiri.

Waxaa uu sii raaciyey “Soomaaliya iyo Itoobiya waxay leeyihiin caqabado wadajir ah, waxaana awoodaynaa inaan si wadajir ah u helno xalka mustaqbalka”.

Xalay kulamadii ay yeesheen labada masuul ayaa Warmurtiyeed ka soo baxay lagu sheegay in Soomaaliya & Itoobiya ay dib u xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka gobolka, waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal, iyadoo si rasmi ah loo soo celinayo xiriirkii dhana diblumaasiyada lana furi doono safaaradaha aasimadaha labada dhinac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed