Soomaaliya & Masar oo ka wadahadlay amniga gobolka & iskaashigooda ah

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Qaahira, halkaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyaga oo isku soo hadal-qaaday arrimaha is garab istaaga marka la jooga fagaarayaasha caalamka, iskaashi ee dhinacyada amni iyo taageerada ka dhexeysa.

Kulankan oo ku dhex dhacay kalfadhigii Golaha Jaamacadda Carabta ayaa wasiirada Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali & Masar Badr Abdelatty waxay kaga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed iyo horumarrada ka jira gobolka.

Sidoo kale, Labada wasiir ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Qaahira iyo Muqdisho ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee labada dal. Dhinacyada ayaa isku raacay inay sii xoojiyaan iskaashiga arrimaha khuseeya danaha labada dal, isla markaana ay isu taageeraan fagaarayaasha caalamiga ah.

“Labada Wasiir waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarrada ka socda gobolka, waxayna mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalalkooda, iyo inay is taageeraan goobaha caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Soomaaliya.

Dhanka kale, labada dhinac ayaa wada qorshe taageero Militeri oo lagu sugayo amniga Badda Sooomaaliya, xili xiisad ka dhalatay arrintan sababtay in Itoobiya u aragtay ficil ka dhan ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed