Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag u cambaareysay soo laba-kacleynta burcad-badeednimada ee ka soo cusboonaatay xeebaha Puntland ee Gacanka Cadmeed, kadib markii ay sheegtay in tan iyo bishii Abriil 2026 la weeraray ama la qafaashay maraakiib ganacsi, iyadoo kooxaha burcad-badeeddu ay weli hayaan qaar ka mid ah shaqaalaha maraakiibta.
War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta la haysto. Dowladdu waxay sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay howlgallo ka dhan ah shabakadaha burcad-badeedda ka wadaan badda iyo dhulka, iyadoo tusaale u soo qaadatay howlgalka lagu soo furtay markabka xamuulka ah ee MV Lutuf 29-kii Agoosto.
DFS ayaa xustay in howlgallo kale oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha burcad-badeedda ay sii socon doonaan.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland . Ciidamada Soomaaliyeed waxay tallaabooyin ka qaadayaan shabakadaha burcad-badeedka, kuwaas oo ka hawlgala badda iyo dhulkaba” ayaa lagu yiri warka DFS.
Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu sheegay in iskaashiga amniga badda lagu fulinayo iyadoo lala shaqeynayo Dowladda Federaalka, isla markaana lala kaashanayo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka. Dowladda ayaa sheegtay in dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ay taageero siin karaan ciidamada badda Soomaaliya, balse taageeradaasi ay tahay inay ku timaaddo hannaan qaran oo mideysan oo lala xisaabtami karo.
DFS waxay carrabka ku adkeysay in kheyraadka badda dalka lagu maamulo sharciga Soomaaliya, iyadoo kalluumeysiga sharci-darrada ah aan la soo sheegin iyo kan aan nidaamsaneyn ee xadgudubka ku ah xuquuqda Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale tilmaantay inaysan oggolaan doonin in biyaha Soomaaliya ay noqdaan meel ay ku dhuuntaan kooxaha ka ganacsada dambiyada badda.
Dhanka kale, Dowladad ayaa tilmaantay inay arrinta burcad-badeednimada oo khatar ah ah horgeyn doonto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay xubin ka tahay.
“Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hadda tahay xubin ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay arrintaan khatarta ah horgeyn doontaa Golaha Ammaanka, waxayna si dhow ula shaqeyn doontaa saaxiibbadeeda laba geesoodka ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan iskaashiga lagu sameeyo Xeerka Anshaxa Jabuuti (Djibouti Code of Conduct) iyo Wax ka beddelka Jeddah (Jeddah Amendment), si loo sii daayo badmaaxiinta ay saameeyeen falalkaan loona burburiyo shabakadaha burcad-badeedka ah” ayaa lagu yiri markale warka DFS.
Dowladdu waxay si gaar ah u xustay Qodobka 100-aad ee UNCLOS, kaas oo dowladaha ku waajibinaya inay iska kaashadaan la dagaallanka burcad-badeednimada. Soomaaliya waxay sheegtay inay iskaashigaas ku xoojin doonto Xeerka Anshaxa Jabuuti iyo Wax-ka-beddelka Jeddah, si loo sii daayo badmaaxiinta la haysto loona burburiyo shabakadaha burcad-badeedda.
HBN ONLINE TV

