La Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali, ayaa si aan gabasho lahayn u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax wada hadal ah kula jirin Ururka Al Shabaab. Baaqan ayaa imaanaya iyadoo laga jawaabayo warar aan la xaqiijin oo baraha bulshada lagu faafiyay, kuwaas oo lagu sheegay in dowlado shisheeye ay garwadeen ka yihiin in labada dhinac wadahadal qarsoodi ah.
Waxa uu ku celceliyay La Taliyaha in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shuruudo cad ku xiray wada xaajood kasta oo dhici kara.
“DFS ayaan wax wadahadal ah kula jirin Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa shuruudo cad ku xiray dhacdadan’ Waa inay gooyaan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah, ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waa inay diyaar u ahaadaan inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u fuliyaan.” Xuseen Sheekh Cali ayaa ku caddeyya qoraal uu soo dhigay akoonkiisa rasmiga ah ee X.
Mawqifka Madaxweynaha, ayey ilo-wareedyo ku sheegayaan, inuu qeexayo shuruudo adag oo Al-Shabaab looga baahan yahay inay buuxiyaan ka hor inta aan wax wadahadal ah la qaadan. Shuruudahaas oo u jeedadoodu tahay in la xaqiijiyo in kooxdaasi ay ka tanaasulaan rabshadaha oo ay la jaanqaadaan himilooyinka ballaaran ee midnimada iyo nabadda qaranka.
Ku-dhawaaqa La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa la filayaa inuu damiyo wararka la isla dhexmarayo isla markaana uu xoojiyo mowqifka adag ee dowladda ee ku aaddan ka-hortagga argagixisanimada iyadoo la horumarinayo hanaan siyaasadeed oo nabdoon. Shuruudaha cad ee wadahadal kasta oo lala yeelan karo Al-Shabaab ayaa muujinaya go’aanka dowladda haddii Al shabaab ay aqbalaan barnaamijkaan, sida ay qabaan khubarada isha ku hayo xaalaadda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha oo dhawaan ka hadlayay Madasha Oslo ee dalka Norway ayaa ku nuux nuuxsaday in gabagabada Al-Shabaab ay ugu dambeyn ku lug yeelan doonaan wadahadal. Hadalkiisa ayaa dhaliyay falcelin ka timid siyaasiyiinta iyo dadka ka faallooda arrimaha amniga.
Tan iyo sannadkii 2007-dii, Al-shabaab waxay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya kaasoo ragaadiyay guud ahaan dalka, sanadihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay warar la xariiro in kooxda lagu dayo wadahadal laakiinse ilaa hadda majiro furitaanka wadahadal rasmi ah. Al shabaab ayaa doonaya in ay dalka xakumaan isla markaana ay ka takhalusaan dowladnimada Soomaaliya.
HBN NEWS DESK