Masar oo Itoobiya ku eedeysay inay mushkilad ku tahay dariskeeda gobolka isla markaana si buuxdo ay u taagereyso Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Saamix Shukri ayaa maanta  sheegay in Itoobiya ay tahay isha dhibaatada ka taagan gobolka, kaasoo weerar afka ah ku qaaday xukuumadda uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Shir ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar  ayuu hadalkaan ka sheegay kaaso looga hadlay khilaafkii kasoo kordhay Soomaaliya iyo Itoobiya, shirkaan ayaa ahay mid ay iskugu yimaadeen wasiiradda Jaamacadda Carabta.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Masar uu ka sheegay shirkii aan caadiga ahayn ee golaha wasiirrada Jaamacadda Carabta ee lagu taageerayo Soomaaliya, kaasoo maanta lagu qabtay magaalada Qaahira.

Hadal uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, ayuu ku sheegay in Carabtu ay u qoto dheer tahay iyo sida ay u daneynayaan isbedellada ugu dambeeya ee dowladda Soomaaliya, iyo inay diyaar u yihiin inay taageero heer rasmi ah iyo mid shacbi ah siiyaan, taasoo muujineysa sida ay wadajir ugu diifacayaan madaxbanaanida Soomaaliya iyo geeddi-socodkii guulihii hoggaanka siyaasadda Soomaaliya.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Masar ay ka digayso cawaaqib xumada ka dhalan karta siyaasadda halka dhinac ah ee Itoobiya, taas oo ka hor imanaysa shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da deris wanaagga, ujeeddaduna tahay in laga shaqeeyo sidii loo soo dabbaali lahaa siyaasad dhab ah iyadoon loo eegayn danaha dawladaha iyo shucuubta Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay in Masar ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada Carabta iyo kuwa caalamiga ah inay gutaan mas’uuliyadda ka saaran muujinta qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa diiday heshiiskii la soo gebagebeeyey bilowgii sanadka cusub, kaas oo dhigaya in Itoobiya oo aan bad lahayn ay kiraysato meel 20 KM  ee Badda Cas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed